Maxay Faaido u leedahay qolofta liinta Wajiga.
Liin orange ama liin banbeelada waxay leedahay faaiidooyin badan oo aan la soo koobi kareynin kuwaas oo xambaarsan vitamiino kala duwan sida vitamin c sidoo kale waxay kor u qaddaa difaaca jidhka sidoo kale waxay ka hortagtaa dhiig la'aan.
Haddaba Maxaa kaloo loo isticmaali karaa liin orange 🍊 ?
Liin macaanta waxay leedahay qolof,qoloftaas waxaa ka buuxa nafaqooyin kala duwan kuwaas oo wax tar u ah maqaarka.
Sidee loo isticmalaa qolofta liinta ?
Liinta waad fiiqeysaa waxad kala saari qolofta iyo liinta kaddib waad qalajineysaa qolofta Haddii aad heleysid qorax waa midda ugu wanaagsan, haddii kale waxaad ku qalajisaa ofanka.
Markii aad intaas sameysid oo liinta ku qalajisid waad shiidi ilaa ay ka noqoneyso budo.
Kaddib soo qaado hal malaqacad oo budu ah waxaad ku dartaa hal malqacad oo malab ah isku walaaq waxaadna marisaa wajiga iyo meelaha aad ku leedahay madmadowga sidoo kale waxaad kula dari kartaa liin dhanaan.
Maxay faaido leedahay peel orange mask:
1:Qolofta liinta waxay ka hortagtaa duuduubka wajiga
2:Waxay baabisaa madmadowga wajiga (Acne )
3:Waxay banaanka u soo sartaa unigyada dhintay ee ku jira wajiga.
4:Qolofta liinta Waxay soo celisaa middabka wajiga
5:Qolofta Liinta waxay ladagaalantaa caabuqyada ku dhaca maqaarka sida cambaarta oo kale iwm.
6:Qolofta liinta waxay la dagalantaa haaraha Wajiga.
NB:Haddii aad xasaasiyad ku qabtid qolofta liinta iska dhaaf.
By @saciid somali