Friday, March 11, 2022

Faidada duhurko lasexdo

 Duhurka La Seexdo

Hurdada duhurkii waa la isku waafaqsan yahay in ay faaido u leedahay qof walba oo seexda ha ahaado caruur ama qof weynba,
Diinteenuna Suubani waa ina fartay in aan seexano duhur maadaama aanu shaydaanka seexaninin.
hurdoCilmibaadhistan la sameeyay waxaa lagu ogaaday duhurka oo la jiifsado in laga faaidayo dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin.
1) Waxay kordhisaa feejignaanta,baadhitaan ay samaysay NASA waxaa lagu ogaaday hadduu qofka jiifsado 40 daqiiqo in ay ku filan tahay in feejignaantiisa ay gaadho 100% tamarna uu ka helayo.
2) Waxay kobcisaa waxbarashada iyo shaqada maskaxda, qofka marka uu seexdo waxaa ay kordhisaa, xasuustiisa waanay siyaadaa sida la arkay.
3) Waxay isku habaysaa warbixinnada maskaxda lagu kaydiyo, qofkane wuxuu soo kacaa isagoo nastay, awoodne u leh in uu warbixin cusub ku kaydiyo maskaxdiisa, ilawshuhunu wuu ka yaraadaa.
4) Qofka waxaa ka yaraada diiqada iyo werwerka, hormoonka u qaabilsan stress-ka ee Cortisol wuu yaraadaa, taasina waxay ka badbaadisaa qofka dhibaatooyin caafimaad badan oo ay ka mid tahay:-korriin xumo, iyo macaanka jidhka oo kor u kaca, dhiigkar, ilawshiiyo, xifdin laâ,aan iyo cudurrada wadnaha ku dhaca.



By saciid somali 

No comments:

Post a Comment

SOONKU WAA FURSAD UU JIRKU UGA TAQALUSO QASHINKA JIRKA

✍Waanooyinka soonka✍ Waanada #4aad ☪️Faaiidooyinka Caafimaad iyo cunto ee soonka☪️ ⏬Dawwo ayuu u yahay dhibaatooyinka dheef-shiidka: Waxa...