TELEFANADA GACAN-QAADKA WAXA EY KEENI KARAAN KANSARKA MASKAXDA:
Cilmi baaris cusub oo ey sameeyeen qubarro mareykan iyo yurub ah oo lagu daabacay wargeeska lagu magacaaboElectromagnetic Biology & Medicine oo ka hadla xiriirka elekterooniga iyo caafimaadka ayaa sheegeysa in adeegsiga
telefanada gacanta ey saameyn aan wanaagsaneyn ku leedahay caafimaadka,iyadoo sara u qaada noocya badan oo kansarrada
ku dhaca maskaxda.
Daraasadda ayaa caddeysay in shucaaca ka soo baxa telefannada ey saameyn aan wanaagsaneyn oo mudda fog ah ey leedahay,
waxaana ka mid ah xasaasiyadda jirka, daal fara badan oo mudda jira,cudurka ilaawshaha keena ee ALZHEIMER ka loo yaqaano,
madax xanuun iyo ugu danbeyn kansarka maskaxda.Wax yaabahaas aan soo sheegnay ayaa ka dhala kara isku dhex yaac ey
shucaaca ka soo baxa telafanada ey ku sameeyaan shaqada maskaxda ka dibne dhimashada unugyada maskaxda iyo hidda sidayaasha.
Ugu danbeyntii ayaa cilmibaarayaashu ey sheegeen in isticmaalka telefanka 20 daqiiqo maalin waliba mudda 5 sanadood ah ey
sara u qaadi karto nisbada kansar ku dhaca maskaxda 3 jeer, iyadoo halistu ey sii badaneyso haddii hal saac maalin waliba
la isticmaalo.
sidaa awgeed cilmibarayaashu waxa ey tilmaameen in la yareeyo muddada isticmaalka telefannada gacan qaadka, gaarahaan caruurta
waayo dhibaattada waa sii badanee dhanka ilmaha.
By @saciid somali
No comments:
Post a Comment