Saturday, March 12, 2022

Galmada xiliga uurka

 #galmada_ xilliga_uurka


waxay kamid tahay waxa ugu danbeeya ee kujiri kara maskaxda haweenka uurka leh qaarkood,

Qayb ragga kamid ah waxay ka cabsadaan inay dhaawac gaarsiiyaan ilmaha yar ee uurka kujira, halka qayb kale oo ragga kamid ahna aysan dhib u arag galmada noocaas ah.

#Isku haleyn intee ah baa lagu qabaa galmada xilliga uurka?

Galmada xilliga uurku haba yaraatee malahan wax khatar caafimaad ah oo looga cabsado,

waxaa la xaqiijiyay in galmada uurku aysan wax khatar ah u keenin ilmaha uurka kujira hadii aan la samayn fal ka baxsan galmada. Marka kaliya ee laga cabsan karo in galmada uurku dhib keento waa marka haweenayda uurka lihi tahay qof ay uurka u weheliyaan dhibaatooyin kale oo caafimaad.

#Bilowga ilaa dhamaadka uurka iyo galmada

#cilmi baaris ay sameeyeen in bilaha hore ee uurka in aysan dumarka intooda badan jeclayn

inay galmo la sameeyeen ragooda sababtoo ah uurka ayaa ku keenaya xaalad ka badalan tii hore,
inta badan dumarkuna xilligaas waxay isku arkaan daal badan, lallabo iyo matag. Waana taas mida nacsiinaysa galmada.

Balse marka la gaaro billaha dhexe ee uurka inta badan dumarku way kabaxaan xaaladii dabacsanida ahayn ee ay kujireen taas ayaana u ka dhigaysa kuwo xiisa badan u haya galmada.

#Isla markaasna xubinta taranka haweenaydu waxay soo daynaa dheecaan qoynaya xubinta oo dhan isla markaasna ka dhigaya haweenayda mid u baahan galmo

. Balse marka la gaaro bilaha danbe ee uurka waxaa isbadalaya xaaladii hore ee hooyadu kujirtay tusaale ahaan, caloosha oo soo waynaanaysa, culayska oo ku badanaya hooyada iyo waxyaalo kale oo badan.

#Dhamaan waxyaalahaas waxay ka dhigayaan haweenayda mid aan awood badan iyo xiiso badan u hayn galmada.

Waxay kaloo khubaradu ku sheegeen ilmaha uurka kujira inuu yahay sida ukun ku dhex jirta birkin isla markaasna ay dusha kasii saaran tahay birkin kale

Taas micnaheedu waa in ilmuhu kujiro bad baadi wanaagsan oo uusan wax ku noqonayn galmada.

Hadii haweenay caafimaad qabta ay uur yeelato isla markaasna doonayso inay ninkeeda galmo la samayso majiraan haba yaraatee wax khatar ah oo ka hor taagan galmadaas.

#Waa maxay sababaha looga fogaan karo galmada xilliga uurka?

Galmada xilliga uurku uma fiicna dumarka xaaladooda caafimaad aysan fiicnayn ama horay ula soo kulmay dhibaatooyin caafimaad sida, dumarka ilmuhu ka dilmaan ayado la oganayo sababta, dumarka dhiig baxa ee dilanka ah xiliga uurka , iyo wixii lamid ah. Sidoo kale dumarka ilmaha ay mandhertoda kaso horeyso wa in ay iska ilaliyan ,

dhakhtar lana wadaagaa xaaladahooda intaysan go aansan inay galmo sameeyaan.

TALLO:
#galmada bisha sagalad isbucyada dambe e fosha dhow dahay in lajojiyo ayan farayna.

Ugu danbayntii hadii ninku uu qabo cudurada la isku gudbiyo waxaa lagula talinayaa in lamaanaha is qabaa iska ilaaliyaan galmo aysan isticmaalin ila ay iska daweyan si u san caruruta ugu gudbin.

#hadaba marka uur yelato lasoco dhaqtar haweenka sameyso buug ila ad kadhasho ad kula socoto cafimadkaga.



By @saciid somali

No comments:

Post a Comment

SOONKU WAA FURSAD UU JIRKU UGA TAQALUSO QASHINKA JIRKA

✍Waanooyinka soonka✍ Waanada #4aad ☪️Faaiidooyinka Caafimaad iyo cunto ee soonka☪️ ⏬Dawwo ayuu u yahay dhibaatooyinka dheef-shiidka: Waxa...