TAAGNIDA WADNAHA AYEY ILAALISAA
taagnaanshada ey ka ilaaliso wadnahaaga cudarra badan.
iyadoo ey cadeysay in fadhiga mudda dheer ey xiriir la leedahay sara u kac ku yimaada sokorta dhiiga
iyo dufanta dhiiga taasoo horseeda badashada miisaanka qofka kadibne dhalisa cudurka macaanka iyo
wadna xanuunka.
Genevieve Healy oo ah cilmi baaraha daraasadaan ayaa sheegtay in loo badalo fadhiga taagni xoogaa kadib
ey wax weyn ka badaleyso wadnaha iyo shaqadiisaba dhan fiican, iyadoo tilmaantay in la taagnaado mudda
dheer fadhiga baddalkiis ey wanaaji karto sokorta dhiiga iyo kolostoroolkaba, sidoo kale in la yareeyo
fadhiga oo loo badalo socod ey yareyn karto miisaanka iyo cufka jirka.
daraasad sameeyayaalka ayaa daraasa ku sameeyay dad gaaraya 782 oo rag iyo dumar isugu jira iyagoo
lala socday fadhigooda socodkooda iyo xittaa orodka ey sameeyaan, ka dibne waxaa la ogaaday in
la taagnaado laba saacadood fadhiga badalkiisa ey hoos u dhigtay 2% sokorta dhiiga 11% dufanta dhiiga.
daraasada ayaa isku xirtay taagnida iyo hoos u dhaca kolosteroolka xun ee dhiiga.
daraasada ayaa kusoo afjartay hadalkeeda in socodka ama gulfinta laba saacadood maalinti ey hoos
u dhigeyso cufka jirka 11% iyo calooshaba 7.5 cm.
By @saciid somali
No comments:
Post a Comment