Wednesday, March 30, 2022

WAJIGA maxey faaiido uledahay qolofta liin banbeelada

Maxay Faaido u leedahay qolofta liinta Wajiga.


Liin orange ama liin banbeelada waxay leedahay faaiidooyin badan oo aan la soo koobi kareynin kuwaas oo xambaarsan vitamiino kala duwan sida vitamin c  sidoo kale waxay kor u qaddaa difaaca jidhka sidoo kale waxay ka hortagtaa dhiig la'aan. 


Haddaba Maxaa kaloo loo isticmaali karaa liin orange  🍊 ?


Liin macaanta  waxay leedahay qolof,qoloftaas waxaa ka buuxa nafaqooyin kala duwan kuwaas oo wax tar u ah maqaarka.


Sidee loo isticmalaa qolofta liinta ? 


Liinta waad fiiqeysaa waxad kala saari qolofta iyo liinta kaddib waad qalajineysaa qolofta  Haddii aad heleysid qorax waa midda ugu wanaagsan, haddii kale waxaad ku qalajisaa ofanka. 


Markii aad intaas sameysid  oo liinta ku qalajisid waad shiidi ilaa ay ka noqoneyso budo.


Kaddib soo qaado hal malaqacad oo budu ah  waxaad ku dartaa hal malqacad oo malab ah isku walaaq waxaadna marisaa wajiga iyo meelaha aad ku leedahay madmadowga sidoo kale waxaad kula dari kartaa liin dhanaan.


Maxay faaido leedahay peel orange mask:


1:Qolofta liinta waxay ka hortagtaa duuduubka wajiga

2:Waxay  baabisaa madmadowga wajiga (Acne )

3:Waxay banaanka u soo sartaa unigyada dhintay ee ku jira wajiga.

4:Qolofta liinta Waxay soo celisaa  middabka wajiga 

5:Qolofta Liinta waxay ladagaalantaa caabuqyada ku dhaca maqaarka sida cambaarta oo kale iwm.

6:Qolofta liinta waxay la dagalantaa haaraha Wajiga.


NB:Haddii aad xasaasiyad ku qabtid qolofta liinta iska dhaaf.


By @saciid somali

 

No comments:

Post a Comment

SOONKU WAA FURSAD UU JIRKU UGA TAQALUSO QASHINKA JIRKA

✍Waanooyinka soonka✍ Waanada #4aad ☪️Faaiidooyinka Caafimaad iyo cunto ee soonka☪️ ⏬Dawwo ayuu u yahay dhibaatooyinka dheef-shiidka: Waxa...