Qoraa saciid somali
Fin doob (acne vulgaris)
Inta ugu badan waxaa la arkaa xiliga qaangaarka aaga oogada sare ee maqaarka wajiga, garbaha, qoorta iyo xabadka waxaa ka soo muuqda calaamado isugu jira finan, nabro madmadow, bacoolo, nabro malax leh, buulal ama meelo biyo ku jiraan waxaana sabab u ah xirmid iyo caabuq ku dhasha duleelada timaha ee saliida qanjirada maqaarku soosaaraan ay marto.
Maqaarku waxa uu leeyahay qanjiro kala duwan sida qanjirada dhididka soosaara iyo kuwa saliid jirka sosaara .
Markaa qanjirada saliida soosaara ee maqaarka saliida ay ku soosaaraan duleelada tinta ay ka soo baxdo ee maqaarka ayaa ka xirma oogada sare ee maqaarka dabeetana saliidu ku aruurtaa gudaha maqaarka markaana barar ama finan ay ka soo muuqdaan maqaarka waxaana fududdeeya arintaa isbadalada hormoonada gaarahaan xiliga qaangaarka oo badashada hormuunka raga ee jirka ayaa lala xariiriyo.
Marka saliidaa ay ka xiranto duleeladii ay maraysay waxaa dhacda in dhamaan oogada sare ee jirka aaga wajiga uu yeesho finan ka soo baxa isla markaana waqtiba waqtiga kasii danbeya sii waaweynaadaan , marka hore finanku waa ay cadyihiin laakiin markii qofku bajiyo oo uu dhecaanka ka daadiyo waa ay madoobaadaan waxaana sabab u ah hawada ku dhacda nabarka furan, mararka qaar finanku waxa ay isu badalaan kuwo waaweyn oo barara isla markaana ay malaxi gasho aadna u xanuun badan.
#Waxyaabaha sababa
Hormoonada raga ee androgens oo jirka ku bata gaar ahaan xiliga qaangaarka.
Wax soosaarka qanjirada saliida jirka oo aad u bata.
Nuuc ka mid ah bacteeriyada jirkeena ku nool ee lagu magacaabo normal flora (propionibacterium) oo ku badata duleelada tinta ee maqaarka halkaana xirta waana marka finanku isu badalaana malax oo ay sababayso difaaca jirka ee la dagaalaya bacteriyada duleelada xirtay.
Waxaa kale ooo keeni kara cudurada kudhaca hooyada sdia waxa lagu magacaabo (polycystic ovarian syndrome) oo ah burooyin ugxaanta ka soo baxa iyo waxyaabaha la xariira buuqa oo kordiya soosaarista saliida jirka iyo sameysanka findoobka.
Qaar kamid ah creamiska la marsado
Dhaqida badan ee wajiga.
#Nuucyada fin doobka.
1. Mild acne waxaa lagu gartaa finan yaryar wax nabro ama haaro ahna malahan
2. Moderate acne waxa ay leedahay finan waaweyn oo aan dhecaan lahayn sidaa oo kalena nabro malahan
3. Moderately severe acne waxaa lagu arkaa nabro qolfa leh finankuna waxa ay yeeshaan maal.
4. Severe acne waxaa ay leedahay qeybtaan nabro aad u badan muuqaalka wajiguna waxa uu isu badalaa buulal, nabro, meelo kuuskuusan, iyo qeybo malaxi ku jirto waana qeybta ugu daran.
#Daaweynta€findoobka.
Daaweyntu hadba waxa ay ku xirantahay halka uu marayo xanuunku
1. Nuuca koobaad
Waxaa lagu xaliyaa creams uu qofku jirka marsado sida benzoyl peroxide cream
2. Nuuca labaa
Waxaa loo qaataa dawooyin bacteeriyada dila sida tetracycline iyo creamis
3. Nuuc sedaxaad iyo kan afaraad waxaa loo qaadan karaa Retinoid drugs dawooyinkaas oo laga sameeeyay fitamin A sida adapalene (Differin) and tazarotene (Tazorac, Avage) dawooyinkaan oo isgu jira creamis, shampoo iyo gel
No comments:
Post a Comment