Asc magaceygu waa saciid halkan waxan kuso gudbiya barnamijyo kusabsan taloyinka cafimaad si malinle ah lasocod wanagsn.
Monday, March 14, 2022
WAX KA OGOW CAYILKA
WAX KA OGOW CAYILKA[OBESITY], SIDA LAGU OGAADO IYO WAX KU SAABSAN BODY MASS INDEX(BMI) ......................................................................................
Aan isla ogaanno waa maxay cayil? ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo OBESITY?
Cayilku waa in ay badato dufanka(Fat) jirkaaga in ka badan sidii caadiya ahayd.
Haddaba; sidee ku ogaan kartaa in ay badatay baruurta jirkaaga saaran in ka badan sidii caadiga ahayd?
Waxaa jira halbeeg lagu cabbiro baruurta jirka saaran sida in ay caadi tahay, in ay hooseyso ama in ay ka badan tahay xadkii loogu tala galay, halbeeggaas afka caafimaadka waxaa lagu dhahaa Body Mass Index(BMI), si aad u ogaatid uma baahnid in aad tagto Isbitaal ama la kulantid dhakhtar, ee kalliya waxaad u baahan tahay in aad Miisaankaaga iyo dherarkaaga cabbirto kadibna aad miisaankaaga u qaybiso dherarkaaga oo laba jibbaaran( BMI = kg/m2).
Haddi Cabirka kuso baxa uu u dhaxeeyo 18.5-24.9 waxay tahay waxaa loo yaqaan Normal, sidaa darteed ma tihid qof cayilan.
Haddi cabirka kuso baxa uu u dhaxeeyo 25-29.9 waxay tahay in uu misanka jirkaga uu siyaday oo aad khatar ugu jirto xaladaan cayilka.
Haddi cabirka kuu soo baxa uu u dhaxeeyo 30-39.9 waxaad ku jirtaa cayil dhammaystiran, waxaad u baahan tahay in aad dhinto miisaankaaga si dhakhso ah.
Dadka cayilan waxay khatar ugu jiraan in ay ku dhacaan cudurada soo socda;
- Macanka
-. Dhiikarka
- Wadna xanuunka
- Iskooysyada oo xanuuna.
- Neefta oo qofka Ku dhagta xiliga uu hurdo,
- Xameetida oo dhagax uga sameysmo.
- beerka oo jirada
La soco qaybta dambe iyo waxyaabaha sababa cayilka iyo sida loo daweeyo.
La wadaag asxaabtaada (Share dheh)
By @saciid somali
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
SOONKU WAA FURSAD UU JIRKU UGA TAQALUSO QASHINKA JIRKA
✍Waanooyinka soonka✍ Waanada #4aad ☪️Faaiidooyinka Caafimaad iyo cunto ee soonka☪️ ⏬Dawwo ayuu u yahay dhibaatooyinka dheef-shiidka: Waxa...

-
#galmada_ xilliga_uurka waxay kamid tahay waxa ugu danbeeya ee kujiri kara maskaxda haweenka uurka leh qaarkood, Qayb ragga kamid ah w...
-
✍Waanooyinka soonka ✍ Waanada #3aad 🚫Ka fogow 9 kaan khalad bisha soon🚫 🚷Khaladaad la geesto xelliga afurka🚷 1. Ku bilaabida biya qa...
-
✍Waanooyinka soonka✍ Waanada #4aad ☪️Faaiidooyinka Caafimaad iyo cunto ee soonka☪️ ⏬Dawwo ayuu u yahay dhibaatooyinka dheef-shiidka: Waxa...
No comments:
Post a Comment