Sunday, March 27, 2022

ISKU KAADINTA DAREEN LA.ANTA EE ILMAHA


 🚽🧸Isku kaadinta dareen la'aanta ee  ilmaha🚽🧸 .

Waa in ilmuhu isku kaadiyaan xelligi la rabay in aaney isku kaadin iyaga oo aan ogeyn xellliga ey hurdaan habiinki.

Waa 2 nooc: Nooca 1aad oo ah in aaney abidkood kaadida ceshan/koontroolin.

Nooca 2aad:In ey 6 bilood kaadida koontarooleen ka dibne ey dib u bilaabeen isku kaadinta.

Goormee ayaan dhihi karnaa ilmuhu waxa uu leeyahay isku kaadin dareen la'aan ah?

Ilmaha ka weyn 5 ilaa 6 sano.

Maxaa keena in ey ilmuhu kaadiyaan?

Nooca 1️⃣aad:

🚽 Yaraansha kaadi heesta

🚽 In ilmuhu cabo shaah, qaxwo, biyaha aashitada leh iyo shukulaato, dhammaantood waxa ey badiyaan kaadida.

🚽 Ilmaha hurdada qottada dheer hurda

🚽 In waalidka ilmahaas uu lahaa xaaladaas oo kale markuu yaraa

🚽 Dhibaato dhanka nafsiga ah oo heysata ilmaha sida; dhib ka heesta qoyska, iskuulka ama maseer uu ka qabo ilmo ka yar oo qoyska kusoo biiray 

Nooca 2️⃣aad:

🚽 Cuduro sida: Cudurka sokorowga, infegshanda kaadi mareenka iyo cudurada neerfaka ku dhaca laft dhabarta ama maskaxda

🔬Baaritaanada la sameeyo waxaa ka mid ah: Kaadi, shaqada kelyaha, sokorta dhiiga, kombiyuutar kaadi mareenka iyo raajo laf dhabarta ah.

🩺Sidee loo daweeyaa🩺

♻️In lagafogaado dhibaatooyinka bulsho & in la xaliyo dhibaatooyinka heesta ilmaha(haddii la garaaco ilmaha in la joojiyo arintaas)

♻️In la yareeyo biyaha xelliga habiinki iyo wax waliba oo badin kara kaadida sida shaaha, gaxwada iyo shukulaatada

♻️ Ha jiifin ilmaha cuntada ka dib, ugu yaraan ha joogo 2 saacadood raashinka ka dib

♻️  Waa in la kaadshiiyo ilmaha jiifka ka hor 

👏Daweyn dhiiri-gelin ah sida 

In loo dameeyo Star chart⭐: oo ah in ilmaha habiinkii aanu isku kaadin la siiyo xidig oo ka dhigan dhiiri gelin iyo in la amaano loona soo iibiyo waxyaabo uu jecelyahay.

🩺 Daweynta la isticmaalo dawo:  Waa in uu dhaqtar kor meeraa waxaana la siiyaa ilmaha 5 sano iyo kuwa kaweyn, waana in wadaa 3 bilood ugu yaraan ka dibne tartiib tartiib loo joojiyaa hadii isbedel uu jiro.



By @saciid somali 

No comments:

Post a Comment

SOONKU WAA FURSAD UU JIRKU UGA TAQALUSO QASHINKA JIRKA

✍Waanooyinka soonka✍ Waanada #4aad ☪️Faaiidooyinka Caafimaad iyo cunto ee soonka☪️ ⏬Dawwo ayuu u yahay dhibaatooyinka dheef-shiidka: Waxa...