Thursday, April 14, 2022

SOONKU WAA FURSAD UU JIRKU UGA TAQALUSO QASHINKA JIRKA


✍Waanooyinka soonka✍
Waanada #4aad
☪️Faaiidooyinka Caafimaad iyo cunto ee soonka☪️
⏬Dawwo ayuu u yahay dhibaatooyinka dheef-shiidka: Waxa uu fursad fiican u yahay nasiinada dheef-shiidka , sidoo kale waxaa yaraanaaya wax soo saarka caloosha taasoo dheeli tir u noqoneysa dareeraha jirka.
⏫ Waxa uu xoojiyaa caafimaad qabka wadnaha iyo xididada dhiiga: Iyadoo uu yareeynaayo Dufanta dhiiga iyo cholesterolka jirka, sidoo kale waxa uu yareeyaa dhiig-karka iyo dhibaatooyinka ka dhasha.
⏬ Soonku waxa uu yareeyaa Culeeska/miisaanka: Waayo waxa yaraanaaya cuntada qofku uu cunaayo bisha soon, gaarahaan kuwa sokorta badan.
⏭ Soonku waxa uu xakameeyaa sokorta dhiiga.
⏬ Soonku waa fursad uu jirku ugu takhaluso qashinka jirka ku jira: Waxa uuna xoojiyaa caafimaadka beerka iyo difaaca jirka. Gaar ahaan dadka raaca nidaamka caafimaadka iyo kuwa badsada cunida Qudaarta iyo fawaakihda.
⏬ Soonku waa fursad looga takhaluso Maandooriyaasha/Mukhaadaraadka.



By #SACIID SOMALI 

Wednesday, April 13, 2022

RAJADA WANAGSAN


 Faa'iidada caafimaad ee ay leedahay rajada wanaagsan




In aad is dhaxalsiiso wanaag waxay kaa caawineysaa in caafimaadka maskaxdaada uu wanaagsanaado

Dadka waxkasta dhanka wanaagga ka eega waxay u badan tahay in ay ka cimri dheeraadaan kuwa xumaanta oo keli ah ay u muuqato, sida lagu sheegay cilmi baaris cusub.

Dadka wanaagsan waxay cimrigooda ku qaataan caafimaad, sida lagu xusay warbixinta ka soo baxday baaritaanka.

Fikradda waxay tahay in dadka waxa wanaagsan rajeeya ay u fududahay in ay is xakameeyaan, ayna iska ilaaliyaan marxaladaha saameyn kara caafimaadka maskaxdooda.

Waxay dhaqaatiirta baaritanka sameysay sheegayaan in dadka aan rajada lahayn ay faa'ido u arkaan in ay iska sawirtaan in waxkasta oo mustaqbalka imaanaya ay wanaagsanaan doonaan.

Waxaa la adeegsaday laba koox oo si kala duwan loo shaqaaleysiiyay - 70,000 oo dumar oo kalkaaliyayaal ka ah cilmi baarista caafimaadka iyo 1,500 oo rag oo ah cilmi barayaal sare ee caafimaad.

Waxaa qiimeyn lagu sameeyay heerka ay gaarsiisan tahay rajada wanaagsan ee ay qabaan iyo caafimaadkooda guud. Waxaa sidoo kale la weydiiyay jimicsiga ay sameeyaan iyo raashiinka ay cunaan.

Celcelis ahaan, ragga iyo dumarka aysan qalbigooda xumaanta ka buuxin ee rajada wanaagsan leh waxay boqolkiiba 11 illaa 15 ka caafimaad badan yihiin, kana cumri dheer yihiin kuwa kale. Waxayna u badan tahay in dad'dooda ay dhaafeyso 85 sano, marka loo eego kuwa quusta taagan ee rajada xun.

Inkastoo wax badan laga og yahay cudurada sababa cimri-gaabadka iyo halista ay xanuunadaas leeyihiin, haddana wax badan lagama fahansana waxa ay cilmi baarayaasha ugu yeereen "arrimaha wanaagsan ee maskaxda la xiriira" ee sababa cimri dheer oo caafimaad leh.

"Sirta cumri dherirka waa xulashada xaas wanaagsan"

"Cidlo lama joogi karo qof dumar ah", siyaasi diiday in ay waraysato gabadh wariye ah

Prof Lewina Lee, oo culuumta cilmu-nafsiga ka dhiga jaamacadda Boston, kana shaqeeyay cilmi-baarista ayaa sheegtay: "Natiijadeena waxay ka hadleysaa suuragalnimada ah in sare loo qaado heerka rajada wanaagsan, in ay xoojineyso cimri caafimaad qab ah".





Monty Python Waa suuragal inuu run sheegayay

"Caddeyn si kala duwan loo uruuriyay oo ah tijaabooyiin la xakameeyay, waxay muujinayaan in ka hortagga, sida saadaalinta mustaqbal wanaagsan oo wax kastaa ay fiican yihiin, iyo dabci-bedelid aad u adag, in ay sare u qaadi karaan heerka filashada iyo arkidda wanaagga oo keli ah".

"Si kastaba, sida dhabta ah ee dadka waxa wanaagsan arka ay uga cimri dheer yihiin kuwa kale waa arrin weli ay dood ka taagan tahay", ayey tiri.

"Dabeecado wanaagsan oo caafimaad laga dhaxlo iyo yareynta walbahaarka waa qeyb uun oo ka mid ah natiijada baritaankeena", ayey hadalka ku sii dartay.

Prof Bruce Hood, waa madaxa horumarinta culuumta cilmu-nafsiga ee jaamacadda Bristol, wuxuuna bixiyaa casharo ku saabsan "sirta seyniska farxadda".

Wuxuu sheegay in cilmi baarista lagu taageeray faa'ido hadda muuqata oo ah "u fakaridda si wanaagsan".

Wuxuu intaa ku daray: "Waxay ila tahay in hal farsamo oo caadi ah ay noqon karto in dadka rajada wanaagsan ay yihiin kuwo si wanaagsan uga hortaga walwalka, waxayna noqon kartaa in ay ka fogaadaan xanta xun ee dhacdooyiinka nolosha".

"Walbahaarka wuxuu saameyn xun ku yeeshaan unugyada difaaca hannaanka jirka, taasna waxay suuragelin kartaa in dadka rajada wanaagsan in ay si fiican uga hortagaan caabuqyada".

"Tiro cilmi baarisyo ah waxay sidoo kale walwalka la xiriiriyeen xanuuno sababa cimri degdeg, cudurada wadnaha, xanuunka macaanka iyo kansarka".



# by @SACIID SOMALI


Monday, April 11, 2022

KA FOGOW 9 KAAN KHALAD BISHA SOON

✍Waanooyinka soonka ✍




Waanada #3aad


🚫Ka fogow 9 kaan khalad bisha soon🚫
🚷Khaladaad la geesto xelliga afurka🚷
1. Ku bilaabida biya qabow ah afurka: Taas oo keeni karta dhibaatooyin la xiriira dheef-shiidka
2. In lagu afuro raashin dufan leh: Waayo culees ayey ku tahay dheef shiidka. Taa badalkeeda waxaa haboon lagu afuro raashin shiididiisa fududahay sida; Timirta , timirta waxa ku jira sokor si fudud lagu shiidi karo isla markaana kordhineysa sokorta dhiiga si dheelitiran.
3. In la qaato raashin badan hal xelli:Taa badalkeeda waxaa wanaagsan in la qaato raashin yar dhowr jeer, sida Afurka, taraawiixda ka dib iyo xelliga suxuurta.
4. In si xad ka bax ah loo qaato macmacaanka: Waxaa ka dhala karta culeeska qofka oo batta, taasoo keeneysa cayyil.
5. Aala miito la'aan: Aalamiitadu waxa ey leedahay wanaagyaal badan sida iyadoo yareysa culeeska. Xelliga ugu fiican waa afurka ka hor saacad ama 2 saacadood ka dib afurka.

🚷Khaladaad la geesto xelliga suxuurta🚷
1. Cabidda biya xad dhaaf ah: Biyaha waxaa wanaagsan in la cabo xelliyada u dhaxeysa afurka ilaa suxuurta in ku dhaw 1.5 L. Dib ugu laabo waanada #1aad.
2. In aad loo isticmaalo raashinka leh cusbada, qaxwada iyo shaaha: Dhammaantood waxa ey badiyaan kaadida taasoo lumineysa macaadinta iyo biyaha jirka, kadibne waxaa uu dareemaa qofka oon badan maalinti.
3. Qaadashada raashinka leh dufanta iyo sokorta: Labadaba waxa ey keenaan oon badan maalinti calooshana waa fuuriyaan.
4. Suxuurta oo laga tago.



By @saciid somali



Sunday, April 10, 2022

👍WAANOOYINKA SOONKA QEYBTI #2aad

✍Waanooyinka soonka✍
Waanada #2aad
📖7 Waano oo muhiim u ah qofka sooman📖
1. Badso dareeraha(sida biyaha ); inta u dhaxeysa afurka iyo suxuurta, si aad usoo kabto biyihi aad lumisay inta aad sooneyd.
2. Joogtee suxuurta: Waxaa wanaagsan in suxuurta dib loo dhigo. Suxuurtu waxa ey jirka siisaa tamar/awood, sidaa awgeed ayaa waxa wanaagsan in la qaato raashinka tamarta laga helo sida soorta IWM.
3. Ka fogaaw in aad raashin badan cunto iskana calali/ruug si fiican. Raashinka badan ama aan si fiican loo ruugin waxa uu keeni karaa in dufanta dhiiga ey badato iyo dheefshiidka oo xumaada.
4. Yaree raashinka dufanta leh iyo kuwa sokorta badan: Raashinka dufanta badan leh waxa ey keeni karaan dufanta xididada taasoo ey ka dhalan karto in ey xirmaan xidida dhiiga. Si la mid ah waxyaabaha sokorta badan waxa ey keenaan tamar dheeraad ah taasoo keeneysa miizaanka oo batta(Obesity).
5. Hel hurda kugu filan: Hurdada fiican/kugu filan waxa ey u wanaagsan tahay caafimaad qabka jirka iyo maskaxda. Balse ka fogow in aad hurudid afurka waxyar ka dib , taa waxaa ka dhalan karta daal iyo caajis fara bada.
6. Samee aala-miito: Xelliga ugu wanaagsan waa afurka wax yar ka hor iyo 2 saac ka dib afurka.
7. La tasho dhaqtarkaaga: Haddii aad qabtid cuduro mudda dheer aad qabtay sida dhiig-kar, macaan ama cudurada wadnaha la tasho dhaqtarkaaga soonka ka hor.



By @saciid somali 
 

Saturday, April 9, 2022

WAANOOYINKA SOONKA


 ✍WAANOOYINKA SOONKA✍

Waanada #1aad.
💧Dad badan waxa ey rumeysanyihiin in biya badan oo la cabo xilliga suxuurta ama salaada waabariga ka hor ey ka ilaalineyso oonka maalinkaas.
🚫 Balse taa badalkeeda waxa ey jirka u horseedaa in kelyuhu ey saaraan biyahaas dheeriga ka ah jirka wax loo yaqaano(Diuresis).
‼ Taasoo dhalineysa kaadi badan , una horseeda jirka oon fara badan.

By @saciid somali

Friday, April 8, 2022

KAFOGOOW RASHIINKA KADIB WAXYALAHAN SOO SOCDA


 Waxyaaba ey haboontahay in aad ka fogaatid raashinka ka dib

1. Ka fogow sigaarka: Hal xabo oo sigaar ah markaa cunteysid ka dib waxa uu u dhgigmaa 10 sigaar
2. Ha cunin faakihaadka(sida liinta, qaraha,caana-naaska ikm): Waayo waxa ey kuu keenayaan laabjeex iyo culeeska dhanka dheef-shiidka.
3. Ha jiifan raashinka ka dib: Xoogaa u dhaxeysii cuntada iyo jiifka, si aad uga fogaatid in culeeskaaga/miisaabkaagu kordho
4. Ha qabeysan cuntada ka dib: marka aad qabeysatid isla marki aad raashinka cunto dhiiga waxa uu aadayaa jirka banaankiisa si uu u kululeeyo, halka dhiiga dheef-shiidka aadi lahaa uu yaraanaayo
5. Ha cabin shaah raashinka ka dib: Taasi waxa ey yareysaa nuugitaanka jirka ee birta.



By @saciid somali 

SOONKU WAA FURSAD UU JIRKU UGA TAQALUSO QASHINKA JIRKA

✍Waanooyinka soonka✍ Waanada #4aad ☪️Faaiidooyinka Caafimaad iyo cunto ee soonka☪️ ⏬Dawwo ayuu u yahay dhibaatooyinka dheef-shiidka: Waxa...