✍Waanooyinka soonka✍
Waanada #2aad
📖7 Waano oo muhiim u ah qofka sooman📖
1. Badso dareeraha(sida biyaha ); inta u dhaxeysa afurka iyo suxuurta, si aad usoo kabto biyihi aad lumisay inta aad sooneyd.
2. Joogtee suxuurta: Waxaa wanaagsan in suxuurta dib loo dhigo. Suxuurtu waxa ey jirka siisaa tamar/awood, sidaa awgeed ayaa waxa wanaagsan in la qaato raashinka tamarta laga helo sida soorta IWM.
3. Ka fogaaw in aad raashin badan cunto iskana calali/ruug si fiican. Raashinka badan ama aan si fiican loo ruugin waxa uu keeni karaa in dufanta dhiiga ey badato iyo dheefshiidka oo xumaada.
4. Yaree raashinka dufanta leh iyo kuwa sokorta badan: Raashinka dufanta badan leh waxa ey keeni karaan dufanta xididada taasoo ey ka dhalan karto in ey xirmaan xidida dhiiga. Si la mid ah waxyaabaha sokorta badan waxa ey keenaan tamar dheeraad ah taasoo keeneysa miizaanka oo batta(Obesity).
5. Hel hurda kugu filan: Hurdada fiican/kugu filan waxa ey u wanaagsan tahay caafimaad qabka jirka iyo maskaxda. Balse ka fogow in aad hurudid afurka waxyar ka dib , taa waxaa ka dhalan karta daal iyo caajis fara bada.
6. Samee aala-miito: Xelliga ugu wanaagsan waa afurka wax yar ka hor iyo 2 saac ka dib afurka.
7. La tasho dhaqtarkaaga: Haddii aad qabtid cuduro mudda dheer aad qabtay sida dhiig-kar, macaan ama cudurada wadnaha la tasho dhaqtarkaaga soonka ka hor.
By @saciid somali
Asc magaceygu waa saciid halkan waxan kuso gudbiya barnamijyo kusabsan taloyinka cafimaad si malinle ah lasocod wanagsn.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
SOONKU WAA FURSAD UU JIRKU UGA TAQALUSO QASHINKA JIRKA
✍Waanooyinka soonka✍ Waanada #4aad ☪️Faaiidooyinka Caafimaad iyo cunto ee soonka☪️ ⏬Dawwo ayuu u yahay dhibaatooyinka dheef-shiidka: Waxa...

-
#galmada_ xilliga_uurka waxay kamid tahay waxa ugu danbeeya ee kujiri kara maskaxda haweenka uurka leh qaarkood, Qayb ragga kamid ah w...
-
✍Waanooyinka soonka ✍ Waanada #3aad 🚫Ka fogow 9 kaan khalad bisha soon🚫 🚷Khaladaad la geesto xelliga afurka🚷 1. Ku bilaabida biya qa...
-
✍Waanooyinka soonka✍ Waanada #4aad ☪️Faaiidooyinka Caafimaad iyo cunto ee soonka☪️ ⏬Dawwo ayuu u yahay dhibaatooyinka dheef-shiidka: Waxa...
No comments:
Post a Comment