Wednesday, April 13, 2022

RAJADA WANAGSAN


 Faa'iidada caafimaad ee ay leedahay rajada wanaagsan




In aad is dhaxalsiiso wanaag waxay kaa caawineysaa in caafimaadka maskaxdaada uu wanaagsanaado

Dadka waxkasta dhanka wanaagga ka eega waxay u badan tahay in ay ka cimri dheeraadaan kuwa xumaanta oo keli ah ay u muuqato, sida lagu sheegay cilmi baaris cusub.

Dadka wanaagsan waxay cimrigooda ku qaataan caafimaad, sida lagu xusay warbixinta ka soo baxday baaritaanka.

Fikradda waxay tahay in dadka waxa wanaagsan rajeeya ay u fududahay in ay is xakameeyaan, ayna iska ilaaliyaan marxaladaha saameyn kara caafimaadka maskaxdooda.

Waxay dhaqaatiirta baaritanka sameysay sheegayaan in dadka aan rajada lahayn ay faa'ido u arkaan in ay iska sawirtaan in waxkasta oo mustaqbalka imaanaya ay wanaagsanaan doonaan.

Waxaa la adeegsaday laba koox oo si kala duwan loo shaqaaleysiiyay - 70,000 oo dumar oo kalkaaliyayaal ka ah cilmi baarista caafimaadka iyo 1,500 oo rag oo ah cilmi barayaal sare ee caafimaad.

Waxaa qiimeyn lagu sameeyay heerka ay gaarsiisan tahay rajada wanaagsan ee ay qabaan iyo caafimaadkooda guud. Waxaa sidoo kale la weydiiyay jimicsiga ay sameeyaan iyo raashiinka ay cunaan.

Celcelis ahaan, ragga iyo dumarka aysan qalbigooda xumaanta ka buuxin ee rajada wanaagsan leh waxay boqolkiiba 11 illaa 15 ka caafimaad badan yihiin, kana cumri dheer yihiin kuwa kale. Waxayna u badan tahay in dad'dooda ay dhaafeyso 85 sano, marka loo eego kuwa quusta taagan ee rajada xun.

Inkastoo wax badan laga og yahay cudurada sababa cimri-gaabadka iyo halista ay xanuunadaas leeyihiin, haddana wax badan lagama fahansana waxa ay cilmi baarayaasha ugu yeereen "arrimaha wanaagsan ee maskaxda la xiriira" ee sababa cimri dheer oo caafimaad leh.

"Sirta cumri dherirka waa xulashada xaas wanaagsan"

"Cidlo lama joogi karo qof dumar ah", siyaasi diiday in ay waraysato gabadh wariye ah

Prof Lewina Lee, oo culuumta cilmu-nafsiga ka dhiga jaamacadda Boston, kana shaqeeyay cilmi-baarista ayaa sheegtay: "Natiijadeena waxay ka hadleysaa suuragalnimada ah in sare loo qaado heerka rajada wanaagsan, in ay xoojineyso cimri caafimaad qab ah".





Monty Python Waa suuragal inuu run sheegayay

"Caddeyn si kala duwan loo uruuriyay oo ah tijaabooyiin la xakameeyay, waxay muujinayaan in ka hortagga, sida saadaalinta mustaqbal wanaagsan oo wax kastaa ay fiican yihiin, iyo dabci-bedelid aad u adag, in ay sare u qaadi karaan heerka filashada iyo arkidda wanaagga oo keli ah".

"Si kastaba, sida dhabta ah ee dadka waxa wanaagsan arka ay uga cimri dheer yihiin kuwa kale waa arrin weli ay dood ka taagan tahay", ayey tiri.

"Dabeecado wanaagsan oo caafimaad laga dhaxlo iyo yareynta walbahaarka waa qeyb uun oo ka mid ah natiijada baritaankeena", ayey hadalka ku sii dartay.

Prof Bruce Hood, waa madaxa horumarinta culuumta cilmu-nafsiga ee jaamacadda Bristol, wuxuuna bixiyaa casharo ku saabsan "sirta seyniska farxadda".

Wuxuu sheegay in cilmi baarista lagu taageeray faa'ido hadda muuqata oo ah "u fakaridda si wanaagsan".

Wuxuu intaa ku daray: "Waxay ila tahay in hal farsamo oo caadi ah ay noqon karto in dadka rajada wanaagsan ay yihiin kuwo si wanaagsan uga hortaga walwalka, waxayna noqon kartaa in ay ka fogaadaan xanta xun ee dhacdooyiinka nolosha".

"Walbahaarka wuxuu saameyn xun ku yeeshaan unugyada difaaca hannaanka jirka, taasna waxay suuragelin kartaa in dadka rajada wanaagsan in ay si fiican uga hortagaan caabuqyada".

"Tiro cilmi baarisyo ah waxay sidoo kale walwalka la xiriiriyeen xanuuno sababa cimri degdeg, cudurada wadnaha, xanuunka macaanka iyo kansarka".



# by @SACIID SOMALI


No comments:

Post a Comment

SOONKU WAA FURSAD UU JIRKU UGA TAQALUSO QASHINKA JIRKA

✍Waanooyinka soonka✍ Waanada #4aad ☪️Faaiidooyinka Caafimaad iyo cunto ee soonka☪️ ⏬Dawwo ayuu u yahay dhibaatooyinka dheef-shiidka: Waxa...